Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay shir looga hadlay Hannaanka Shaqo ee Wasaaradda[Sawirro]
BOOSAASO – Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa maanta shir guddoomiyay shirka looga hadlay hannaanka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Wasiir Fiqi shirkan waxa ku weheliyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Aduunyo), Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Mudane Dr Maxamed Cabdi Cilmi, Maamulaha Furdadda Boosaaso, Agaasimaha Cashuuraha Berriga gobolka, Xisaabiyaha gobolka, Maamulaha Kastamka Garoonka iyo Maamulaha Kastamka Kontaroolka Boosaaso.
Shirarkan ayaa ahaa mid uu isku xirkiisa ka soo shaqeeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Dr Maxmed Cabdi Cilmi, waxaana Agaasimaha iyo maamulayaasha si qoto dheer looga wada hadlay hannanka shaqada cashuuraha iyo adeeggida Cashuur bixiyayaasha.
Intii kulanku socday ayaa sidoo kale looga wada hadlay isku xirka shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Bari iyo in la xoojiyo kor u qaadida dakhliga.
Dhanka kale Agaasimaha Guud ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay garoonka diyaaradaha iyo kantaroolka Boosaaso.
Dr Maxamed Cabdi Cilmi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa safar shaqo ku maraya xarumaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda si kor loogu qaado dakhliga,waxana uu shaqaalaha ku dhiirigeliyay in ay muujiyaan dadaal dheeri ah oo dhanka shaqada ah.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments