Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Kastamka Kontorolka Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland mudane Cumar Xasan Fiqi oo u weheliyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Aduunyo) iyo Maamulaha Cashuuraha Berriga gobolka Bari Mudane Yuusuf Maxamed Yuusuf ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Kontoroolka Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Boosaaso.

Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil ayaa kormeeray habsami u socodka shaqo iyo dardargelinta dakhliga ee Kastamka Kontorolka Boosaaso.

Maamulaha Kastamka Kontorolka Boosaaso ayaa madaxda uga warbixiyay shaqada socota, wuxuuna tilmaamay in si wanaagsan shaqadu u socoto.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland.

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.