Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Furdada Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland mudane Cumar Xasan Fiqi oo u weheliyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Aduunyo) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Cashuuraha Berriga iyo Dekedda magaalada Boosaaso.
Wasiirka ayaa kulan la qaatay Maamulaha Cashuuraha Berriga gobolka Bari Mudane Yuusuf Maxamed Yuusuf.
Maamulaha Furdada Booaaso Mudane Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa madaxda kusoo dhaweeyay dekedda , waxaana ujeedada kormeerku ahaa habsami u socodka shaqo ee Dekedda iyo shaqada ballaarinta iyo horumarinta Dekedda oo meel wanaagsan maraysa.
Wasiirka iyo Wasiir Dowlaha Maaliyadda Puntland ayaa la kulmay shaqaalaha Kastamka Furdada Boosaaso , iyagoona ku boggaadiyay shaqada ay u hayaan shacabka Puntland.
Mid kamid ah Injineerada shirkadda gacanta ku haysa dhismaha ballaarinta iyo horumarinta Dekedda ayaa warbixin ka siiyay madaxda shaqada socota, wuxuuna sheegay in shaqadu si dardarleh ku socoto.
Ugu dambeyn, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax, Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland mudane Cumar Xasan Fiqi, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Aduunyo) iyo Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa kulan ku qaatay gudaha Dekedda, waxayna isla gorfeeyeen shaqada socota iyo sidii lagu dardargelin lahaa taasoo guul kusoo dhammaatay.
Baahintii
Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments