Ku-simaha Agaasimaha guud ee W/Maaliyadda oo gaari ku wareejiyay Wasaaradda qaybta gobolka Karkaar(Sawirro)
QARDHO – Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ahna Agaasime guud Ku xigeenka Mudane, Keenadiid Cali Jaamac ayaa gaari loogu talagalay la dagaalanka Kootarabaanka ku wareejiyey Wasaaradda Maaliyadda qeybta Gobolka Kar-kaar.
Gaarigan, oo lagu wareejiyay Xisaabiyaha Gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi Boss, ayaa loogu talagalay in gulala dagaalamo badeecadaha Kotorabaanka ah ee lagu soo geliyo Canshuur la’aanta.
Gaarigan, ayaa waxa uu qeyb ka yahay Gaadiid ay Wasaaraddu ugu talagashay dhammaan gobalada Puntland, si loogu adeegsado dardargelinta dakhliga.
Baahintii



Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments