Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Guusha Laga Gaaray Mushahraadka Dowladda Puntland(Daawo Muuqaal koobaya guushaas)

Dowladda Puntland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxa ay ku guulaysatay in ay kor u qaado Mushaharaadka sida –

01. Baarlamaanka Dowladda.
02. Wasiiradda Dowladda.
03. Shaqaalaha Dowladda.
04. Ciidamada Dowladda.

Kordhinta Mushaharaadka waa mid ay dadaal- dheeri ah ku bixiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire oo kaashanaaya Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Waa markii ugu horaysay tan iyo dhismii Dowladda Puntland in kor loo qaado si wadar ah Mushaharaadka qof walbana mushahaarkiisu ugu dhaco (Akoonkiisa) waana guul u soo hoyatay Dowladda Puntland iyo shacabkeeda.

Waxaa xusid mudan in bixinta mushaharaadka iyo ka shaqaynta horumarinta dalka waxa ay ku timi shacabka Puntland oo ku mahadsan bixinta cashuurta ku waajibtay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.