Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Gudiga Dalacsiinta,Abaalmarinta iyo Anshaxa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda oo ku kulmay Garoowe(Sawirro)

GAROOWE – Gudiga Dalacsiinta,Abaalmarinta iyo Anshaxa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda oo dhowaan uu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan ka yeeshay shaqadii loo igmaday.

Gudoomiyaha Guddigan ayaa ah Cali Jaamac Gaashaan ku-xigeenka Xisaabiyaha guud ee Dowladda Puntland iyo sagaal Xubnood oo ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda.

Kulan ay yeeshen guddigu ayaa looga dooday Xeer hoosadka guddiga dalacsiinta, abaalmarinta iyo Anshaxa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada ugu dambeyna la ansixiyay.

Sidoo kale waxaa lasoo soo jeediyey siyaasada shaqada iyo shaqalah ee Wasaaradda Maaliyadda, Siyaasadan ayaa laga dooday dhowana la ansaxin doonaa.

Xeerakan ay gudigu ka doodeen ayaa hoos imanaya Xeerka shaqada iyo shaqalaha Dowladda Puntland.

#ALLOW_ABAARTA_NAGA_SAAR

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.