Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiiladda Puntland oo kulan la qaatay Wasiirka Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Guddiga oo akhriskii 2aad ku sameynayey Miisaaniyadda 2023 ee Golaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey Wasiirka, Xisaabiyaha guud iyo saraakiisha kale ee Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta Miisaaniyadda Dawladda ee 2023.

Miisaaniyadda sanadkaan 2023 ayaa dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar) kororka Miisaaniyadda ayaa ah 6% marka la bar-bar dhigo sanadkii hore.

Waxayna ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Dawladda iyo dhakhli ka baxsan khasnadda Dawladda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii Guddigu waydiiyeen.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.