Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2022-ka(Sawirro)

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo uu hoggaaminaayo Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda ahna sii hayaha xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa Golaha Wasiiradda u gudbisay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2022 taasi oo dhan $354,039,036. (Sadex Boqol konton iyo Afar Milyan Sodon iyo Sagaal kun iyo Sodon iyo lix Falis)

Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa shir Gudoominaayay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ahna siiha xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi oo halkaas ka hadalay ayaa Golaha u soo bandhagay Miisaaniyadda ay soo diyaariyeen sanada 2022-ka.

Golaha Wasiirada oo si wayn uga dooday ayaa Cod gacan taag ah ku ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2022.

Miisaaniyadda ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.