Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Golaha Wakiilada Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda sannadka 2022-ka( Sawirro)

GAROOWE – Xildhibaanada Golaha Wakiilaada Dowladda Puntland ayaa fadhigii 12-aad ee Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Wakiilada DPL ku yeeshay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Golaha Wakiilada Dowladda Puntland fadhigooda waxa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyeen Guddoomiye Kuxigeenadiisa.

Fadhiga oo ay goobjoog ka ahaayeen 45 Xildhibaan ayaa Goluhu warbixin kaga dhageystay Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo gacanta ku hayay Miisaaniyadda sannadka 2022-ka, taasoo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyay.

Dooda odoroska Miisaaniyadda sannadka 2022-ka ee Golaha la horkeenay waxay dhan tahay $354,093,039.

Dood iyo Falanqeyn kadib , Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Miisaaniyadda Puntland ee sannadka 2022-ka, waxaana horay Miisaaniyadda usoo ansixiyay Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Baahnitii


Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.