Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo shir la qaatay Madaxda gacanta ku haysa diyaarinta Miisaaniyadda Sanadka 2023[Sawirro]

GAROOWE –  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Hon. Mohamed A. Dhabancad ayaa galabtay waxaa uu Xafiiskiisa Wasaaradda shir kula yeeshay Mas’uuliyiinta Wasaaradda ee gacanta ku haysa diyaarinta Miisaaniyadda Sanadka 2023.

Shirkan oo si hordhac ah loogu soo gudbiyey Wasiirka Miisaaniyadda Sanadka 2023 ayaa waxaa ka soo qayb galay Xisaabiyaha Guud, Agaasime Guud Ku- xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Miisaaniyadda, Agaasimaha Furdooyinka, Saraakhiisha kale Xisaabaadka, Dakhliga, Miisaaniyadda iyo Lataliyaal sare.

Ugu damabyn Wasiir Dhabancad ayaa ku bogaadiyey Mas’uuliyiinta Wasaaradda sida quruxda badan ee ay u soo diyaariyeen Miisaaniyadda hordhaca ah ee Sanadka 2023, wuxuuna wasiirku Faray in la dardar geliyo dhamaystirkeeda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.