Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Barnaamijka Maareynta Xogta Dowladda ee FMIS oo wejigiisa Saddexaad laga bilaabay Boosaaso(Sawiiro)

BOOSAASO – Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa manta magaladda Boosaaso ka daah-furay wejigii sadexaad ee Barnaamijka Maareynta Xogta Dowladda ee FMIS.

Shaqaalaha degmada Boosaaso ayaa loo qabtay tababarka barashada qaybta sadexaad ee Barnaamijka FMIS si ay u adeegsadaan Shaqaalaha Dowadda hoose ee Boosaaso.

Daah-furka Barnaamijka FMIS-ka, waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Bari Maxamed Yuusuf Dalmar, Xog-hayaha degmada Boosaaso C/risaaq Geeldon, Ku-xigeenka Xog-hayaha degmada Boosaaso Maxamed Muuse Camo, Agaasimayaasha Dowadda hoose ee Boosaaso iyo shaqaalaha kala duwan ee degmada.

Barnaamujka FMIS waa Hab Casri ah oo Computerized ah, Ujeedada ugu weyn ee loogu tala galay wuxuu yahay Daah-furnaanta, isla xisaabtanka iyo fududeynta Shaqada, sidoo kale in uu u fududeeyo cashuur bixiyaasha in ay si fudud u bixiyaan cashuurta ku waajibtay, iyagoo helaya fariin SMS, kadibna ay si fudud u bixinayaan cashuurta iyagoo aan iman Xafiiska, taasoo kor u qaadeysa Dakhliga degmada, sidoo kale meesha ka saaraysa gabi ahaanba musuq-maasuqa.

Eng. Buraale, Madaxa FMIS-ka oo tababarkan bixinaayay ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay horumariyaan Barnaamijkan FMIS isla markaana gaarsiiyaan dhammaan degmooyinka si ay uga guuraan shaqada gacanta laga qabto (Manual).

Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Bari iyo Xog-haya Dowladda hoose ayaa Wasaradda Maaliyadda Puntland iyo Bangiga adduunka oo ka caawiya Wasaaradda uga mahad celiyay hirgelinta FMIS-ka , waxana ay sheegeen in ay u jihaysteen dhanka horumarka.

Barnaamijkan FMIS waxaa Puntland laga bilaabay 2019 , waxaana laga hirgaliyay degmooyinka Boosaaso, Qardho, Garoowe, Buurtinle iyo Gaalkacyo dhowaana la filaayo in degmooyin kale la bilaabo.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.