Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Agaasime Kuxigeenka Guud ee Dakhliga W/Maaliyadda Puntland oo Kormeer Shaqo ku tagay Qardho[Sawirro]

37791959_2170661186501291_161286042123501568_n.jpg

Agaasime Kuxigeenka Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Cali Samatar Surcad oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Axmed Siciid Fagaase ayaa booqday magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar,iyagoona safar kaga amba baxay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Safarkan uu degmada Qardho ku tegay Xasan Cali Samatar Surcad Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa qayb ka ahayd dardargalinta shaqada iyo la kulan ka shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Karkaar.

Madaxdan ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda markii ay soo gareen degmada Qardho,waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Agaasimaha Waxaada Cashuuraha Berriga C/qaadir Maxamuud Ismacil,Xisaabiyaha Dakhliga Sanwayne Cali Cartan,Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliaydda gobolka Karkaar.

Masuuliyintan kulan ayla qaateen Agaasimayaasha Wasaaradda ee Gobolka Karkaar ayaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga iyo hab wanaaga shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Masuuliyiintan intii ay ku sugnaayeen Degmada Qardho ayaa waxa ay booqdeen goobo badan oo ay ka mid ahayd Garoonka diyaaradaha ee degmada Qardho,waxaana xog dheeraad ah oo ku aadan habsami usocodka shaqada ka siiyay Madaxda Agaasimayaasha Wasaaradda ee gobolka xili ay shaqaaluhu ku guda jireen soo xeraynta dakhliga.

ku-Xigeenka Agaasimaha Guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa lafilayaa in uu safaro kan la mid ah uu ku tago gobolada si kor logu qaado soo xeraynta Dakhliga.

Xasan Cali Samatar Surcad ku-Xigeenka Agaasimaha Guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland iyo Agaasimaha waaxda Furdooyinka Axmed Siciid Fagaase ayaa soo afmeeray kulankoodii.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta

Waaaradda Maaliyadda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.