Agaasime Kuxigeenka Dakhliga W/Maaliyadda Cismaan Buux Cali oo ka hadlay Siyaasada Cashuuraha Puntland[Dhageyso]
Agaasime K/Xigeenka Guud ee dhanka Dakhliga W/Maaliyadda Cisman Buux Cali ayaa ka warbixiyay kulan ay la qaateen Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland.
Mudane Cismaan Buux Cali ayaa ka warbixiyay ujeeada kulanka,wuxuuna sheegay in uu ahaa Xildhibaanada golaha Baarlamaanka looga warbixiyo siyaasada Cashuuraha Puntland.
…” Barnaamijka Baarlamaanka lala galay waxa uu ahaa Siyaasada Cashuuraha Puntland in la dejiyo sida sidee loo qaadayaa,wadadee loo marayaa,intee nooc cashuuro ah baa jira,sidee u kala muhiimsan yihiin,sidee loo hirgelinayaa,taasay ahayd iney qeyb ka noqdaan hay’adaha sharci-dejintu maadaama iyagu yihiin hay’adihii sharci-dejinta ee miisaaniyadihii,cashuurihii ,tareefooyinkii iyo sharciyadii ansixinayay iney ogaadaan waxa la dejiyay..”ayuu yiri Cismaan Buux Cali
Hoos ka dhageyso Waraysiga uu kaga hadlay arrimahan
Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments