Agaasimayaasha W/Maaliyadda Dowladda Puntland oo xilalka la isugu bedelay[Sawirro+Cod]
Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 12.July 2018 isbadel ku sameeyay qeybo kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Agaasimayaashan ayaa kala ahaa Cali Jaamac Gaashaan Ku-Xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dawaldda Puntland,Xasan Cali Samtar Surcad oo loo bedelay ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland,Cismaan Buux Cali ayaa loo bedelay ku-Xigeeka Agaasimaha Guud ee Maamulka W/Maaliyadda.
Xaflada xilwareejinta ayaa ka dhacday Hoolka shirarka iyo xafladaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland,waxaana ka soo qayb galay Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Maxmed Jibriil Caateeye,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda C/risaaq Maxamed Xasan iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda C/risaaq Maxamed Xasan oo madasha ka hadlay ayaa kula dardaarmay xilka loo dhiibay Mudane Xasan Cali Samatar in Alle u fududeeyo.
…” Waxaan leeyahay Xasan Cali Samatar oo xilka dakhliga la wareegaya kusoo dhawow Xasanow Waaxda Dakhliga oo ah Waaxda ugu muhiimsan Wasaaradda Maaliyadda..”ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed Xasan
…” Wasaarada Maaliyaduna waxa weeye dakhli iyo kharash weeye,muhiimada kowaad waxaa iska leh dakhliga,waxa weeye xil adag ba lagu dhiibay guud ahaan waxa laga rabaa dakhliga Puntland oo dhan,waa xil weyn oo xil gudasho u baahan ,Alle haku fududeeyo baan leenahay xilkaas..”ayuu yiri mar kale
Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Maxmed Jibriil Caateeye ayaa isna dhankiisa sheegay in loo baahan yahay si wadajir ah in loo wada shaqeeyo si guul wadajir ah loo gaaro ka Wasaarad ahaan.
…” Erayagan ku darayo waa mid cashuurtu waa beer ,beertuna waxay u baahan tahay in la oodo,haddii la oodana waxay u baahan tahay in la waraabiyo ,haddii la waraabiyana waxay u baahan tahay in la harameeyo intaas haddii mid ka fakado cashuurtu ku socon meyso marka oodii ,waraabintii iyo harameyntii oo ah kan qaldaya iyo meesha ay ka qaldan tahay in laga saaro in la waraabiyana waa in xoogii iyo shaqaalihii ka shaqeynayay loo helo intiina Wasaarad ahaan go’aan ba laga gaaray ..”ayuu yiri Mudane Wasiir dowle.
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
W/Maaliyadda Dawladda Puntland
0 Comments