Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Agaasimaha Maaliyadda Puntland oo shir Guddoomiyay kulan looga hadlay Baarista Mashaariicda Bangiga Adduunku ka fuliyo Puntland(Sawirro)

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Dr Maxmed Cabdi Cilmi ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay dhamaystirka baaristii Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland oo ay la shaqayneysey shirkad Hantidhawr oo Caalami ah ee Deloitte

Hantidhawrka ayaa baaris ku sameeyey Mashaariicda Bangiga Adduunka ee laga fuliyo Puntland.

Shirkaas waxaa ka soo qayb galay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Dowladda Puntland, Madaxda Mashaariicda iyo Hantidhawrka Guud.

Kulankan intii uu socday ayaa si qota dheer laga hadlay sidii horumar looga samayn lahaa wax yaabaha in la saxo u baahan ee ay soo bandhigeen Hantidhawrku intii ay ku guda jireen baaristoodii.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.