Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Agaasinka kala duwan ee Wasaaradda(Sawirro)

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Dr. Maxamed Cabdi Cilmi ayaa kulan la qaatay Agaasinka kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan waxaa ka qayb-galay Agaasime Guud ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga,Agaasimaha Waaxda Maamulka,Agaasimaha Furdooyinka, Agaasimaha Miisaaniyadda Agaasimaha waaxda qorsheynta iyoTababarada, Agaasimaha Canshuuraha Berriga, Agaasimaha Waaxda deeqaha debada iyo Madaxa Internal Audit ka.

Kulankan ayaa ahaa isbarsho iyo xog wareysi ku aadan shaqooyinka ay hayaan Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Intii uu socdey kulan kan Agaasimayaasha ayaa soo bandhigay qaab dhismeedka shaqooyinka aybqaabilsan yihiin iyo waax walba shaqada ay qabato.

Ugu dambeyn Kulanka oo kusoo dhammaaday si Guul ah ayuu Agaasimaha guud uu Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Dr. Maxamed Cabdi Cilmi waxaa uu Agaasimayaasha Wasaaradda ku bogaadiyey shaqooyinka ay hayaan waxana uu sheegay in la joogteeyo shirarka noocaan ah si loogu kala warqaato xaladaha shaqo ee wasaaradda korna loo qaado dakhliga Dowladda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.