Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagey Garoonka Diyaaradaha Garoowe(Sawirro)

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Dr. Maxamed Cabdi Cilmi ayaa kormeer shaqo ku tagey Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe.

Kormeerkan Shaqo ee Agasimaha guud waxaa ku weheliyey Agaasimaha Cashuuraha Berriga Cabdulqaadir liibaan iyo mas’uuliyiin kale.

Dr. Maxamed Cabdi Cilmi ayaa booqaday goobaha dakhliga ee ay ka mid yihiin kaargooga waxana uu wax badan ka ogaaday habka ay u shaqeeyaan shaqalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxda Kastamka ayaa Agaasimaha guud xog dheeri ah ka siiyay hannaanka shaqo ee dakhliga Kastamka iyo xogta shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Dhinca kale Agaasimaha Guud ayaa shaqaalaha ku dhiiri geliyey shaqada ay bulshada u hayaan waxana uu kula dar-daarmay in dakhliga kor loo qaado dadaal dheer ahna ay muujiyaan shaqaalahu.

Ugu dambayn Agaasimaha Guud waxaa uu kulan la qaatay Maareeyaha iyo Taliyaha Garoonka diyaaradaha Gen Maxamed Abshir, Waxana looga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa kor u qaadista dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.