Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Puntland oo Tababar u furay Maamulayaasha iyo Madax-qeybeedyada Wasaaradda[Sawirro+Muuqaal]
PGAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Dr. Maxmed Cabdi Cilmi ayaa daah-furay tababar loo qabatay maamulayaasha iyo Madax- qaybeeyada Wasaaradda Maaliyadda.
Shaqaalaha loo qabtay tababarkan ayaa ka tirsan xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolada Nugaal,Sool iyo Sanaag ee Puntland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Dr. Maxmed Cabdi Cilmi ayaa waxa uu shaqaalaha kula dar-daarmay in ay ka faa’idaystaan aqoonta ku duugaan tababarka.
Casharada tababarka waxaa bixinaya Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo tababarada Cabdulqaadir Cali Ismaaciil , Agaasimaha waaxda deeqaha debadda Prof. Nuuraani Xaaji Maxamed Aw Axmed iyo Mr Cabdirsaaq Jaamac Siciid.
Ugu dambayn tababarkan ayaa lagu qaadanayaa casho ay ka mid yihiin Horumarinta iyo maamulidda shaqad, qiimeynta Shaqaalah, xalinta khilaafaadka shaqada iyo abaalmarinta shaqaalaha.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments