Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Puntland oo Tababar u furay Agaasimayasha Waaxyaha Maamulka ee hay’adaha Dowladda[Sawirro]
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdi Cilmi ayaa maanta Tababar u furay Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka ee Hay’adaha Dowladda Puntland
Tababarkan oo ka dhacay Hoolka shirarka ee xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe ayaa Agaasimaha Guud waxa ku weheliyay furitaanka tababarka Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdisamad Cawad Cismaan.
Tababarkan ayaa ahaa mid ku saabsanaa soo gudbinta shaxda wareegtada Miisaaniyadda ee Hay’adaha Dowladda Puntland.
Ujeedada kale ee tababarkan loo qabtay ayaa ahayd in lagu wargeliyo Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka Dowladda habka diyaarinta Miisaaniyadda iyo jadwalkeeda si horumar loogu sameeyo hannaanka diyaarinta Miisaaniyadda guud ee Hay’adaha Dowladda Puntland.
Habka diyaarinta Miisaaniyadda iyo Jadwalkeeda ayaa sidoo kale lagu soo kordhiyay shax muujinaysa siyaasadda Miisaaniyadda, odorska Miisaaniyadda mudada dhexe,habka Jaangoynta kharashka iyo shuruudaha soo gudbinta Miisaaniyadda.
Baahintii
Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments