Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Puntland oo la kulmay Agaasimayaasha Wasaaradaha ku mideysan Mashruuca Biyoole(Sawirro)

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Dr Maxamed Cabdi Cilmi ayaa kulan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha ku mideysan Mashruuca Biyoole.

Kulankan ayaa ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Garoowe, waxaan uu ahaa mid ku aadan sidii loo dardar gelin lahaa Mashruuca Biyoole qaybtiisa hore Wasaaradda Maaliyaduna ay wax uga ogaan lahayd habka uu usocda mashruuca Biyoole oo ay fuliyaan Wasaaradaha Dowladda Puntland qeyb ka mid ah.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Agaasimayaal ka socday Wasaaradda Xaannaanada Xoolaha,Wasaaradda Qorsheynta,Wasaaradda Deegaanka iyo Wakaaladda Biyaha.

Kulankan intii uu socday waxaa looga hadlay Mashruuca Biyoole, guulaha laga gaaray, caqabadaha soo kordhay iyo sidii horumar dheeri ah looga samayn lahaa.

Mashruuca Biyoole ayaa ka mid mashaariicda Bangiga Adduunka(World Bank) uu ka fuliyo Puntland Wasaaradda Maaliyadduna u qaabilsan tahay taaba gelinta Mashruuca.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published.