Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Puntland oo Kulan la qaatay Wafti ka socday Bangiga Adduunka(Sawirro)
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Dr. Maxamed Cabdi Cilmi ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wafti ka socda Bangiga Adduunka.
Ujeedka waftiga ayaa ahaa sidii loo dhameystiri lahaa mashaariicda horey usocday oo ay ka mid yihiin : –
- Hawlgabka shaqaalaha iyo darajada shaqaalaha (pension and pay and grading).
- Tayeynta iyo tababarka shaqaalaha Dowladda.
- Hirgelinta nidaam casri ah oo lagu maamulo xogta shaqaalaha.
Ugu danbeyn , waxaa la isku afgartay in la dardar geliyo shaqooyinka socday ee Bankiga aduunku sida tooska ah uga caawinayay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments