Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Agaasimayaasha iyo Shaqaalaha W/Maaliyadda Dowladda Puntland(Sawirro)
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Dr Maxamed Cabdi Cilmi ayaa kulan la qaatay Agaasimayaasha iyo shaqaalaha kale Wasaaradda Maaliyadda.
Kulankan oo ahaa mid guud ayaa ku aadanaa dardar galinta Shaqada Wasaaradda iyo in la saxo caqabadaha shaqaaluhu ka cabanaayaan ee dhanka shaqadooda.
Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdi Fataax Cali Jaamac ayaa kulankaasi ku soo bandhigay Xogta shaqo galka shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Mudane Dr Maxamed Cabdi Cilmi, Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa go’aamo dhanka shaqada ah ka soo saaray kulan kaasi, waxana uu shaqaalaha lagu amray in ay dhaqan geliyaan si loo ilaaliyo hannaanka shaqo galka shaqada Wasaaradda.
Waxaa xusid mudan in Kulankan Agaasimaha Guud iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda uu qayb ka yahay, Shirkii Dib u eegista shaqada Wasaaradda Maaliyadda ee Boqolkii maalmood oo horayna uu u iclaamiyay Agaasimaha Guud.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments