Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda ee gobolka Nugaal(Sawirro)
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Puntland oo uu weheliyo Agaasimaha Kuxigeenka Guud ee Dakhliga ayaa booqasha ku tagay Xafiiska Wasaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal.
Kormeerkaan oo u jeedadiisu ahayd isbarasho Agaasimaha Guud iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee Xafiisak Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal ayaa waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga, Xisaabiyaha gobolka Nugaal iyo Maamulayaasha Dakhliga ee gobolka Nugaal.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Cabdi Cilmi ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee gobolka, isagoo ka dhagaystay warbixino la xiriira habka shaqadu u socoto, nidaamka dakhli xaraynta , hubinta Dakhliga iyo caqabadaha ku geedaaman nidaamka shaqo ee Wasaaradda Maaliyadda ee heer gobol.
Agaasimaha kuxigeenka Guud ee Dakhliga Maaliyadda Puntland Mudane Abshir Maxamed Abshir ayaa xusay in shaqooyin wanaagsan laga qabtay nidaamka maamulka Dakhliga ee gobolka iyadoo la xaqiijiyay in la joogteeyo dakhliga gudaha lana casriyeeyo nidaamka dakhli uruurinta.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta kala duwan in la xoojiyo u adeegista ganacsatada si kor loogu qaado u hogaansanka cashuur bixiyaasha kala duwan, isla markaasna uu ka qayb qaadan doono shaqada adag ee ka socota gobolka.
Uga danbayntii Wasaaradda Maaliyadda ayaa samaysay horumarka lagu amaanay ee laga gaaray kor u qaadista dakhliga dowladda ee horumarinta cashuuraha iyo kicinta madaxyada fadhiidka ahaa , sidoo kale Xafiiska Dakhliga ayaa sameeyay xoojinta xiriirka cashuur bixiyaasha, ilaalinta daacadnimadda, xoojinta u hogaansanaanta, dhamaan qaybhaas waxay dhaliyeen in la gaaro isbadal dhab ah oo ka dhaca nidaamka dakhli uruurinta iyadoo sanad kasta la sameenayay koboc miisaaniyadeed oo dhamaysitran.
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments