Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda(Sawirro)
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Maxamed Cabdi Cilmi ayaa kulan la qaatay Agaasimayaasha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Kulankan oo ahaa mid khamiisleh kana dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa ka qayb galay Xisaabiye guud kuxigeenka Dowlada Mudane Cali Farxaan Ku-xigeenka Agaaasimaha Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir iyo Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Mudane Dr Maxamed Cabdi Cilmi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo waraysi siiyay kulanka kaddib Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in kulanka looga hadlay qodobada ay ka mid yihiin
01. Soo bandhigida qorshihii lixdii bilood oo hore Janaayo illaa Juun wixii ka qabsoomay iyo wixii aan ka qabsoomin.
02. Diyaarinta Qorshaha lixda bilood ee Julaay illaa Diseembar ee sannadkan.
03. Mashruucii Bangiga Adduunka ee SERP qeybta Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo la dhameystiray, Agaasimayaashuna ay soo gudbiyeen arrimihii looga baahnaa ee dhanka shaqada, taasoo la isla qaatay in laga hawlgalo qiimeyn iyo falanqeyn kaddib si guul ah kusoo dhammaatay lana gudbiyo.
Mashruucaan SERP- Somalia Enhancing Public Resource Management Project) ayaa ah mashruuc lagu mideeyey mashaariicdii horey loo oran jiray PFM, DRM iyo CIP Proejcts.
kulankan ayaa Waax walba waxay soo gudbisay shaqo howleedkeeda, falanqeyn kaddibna waxaa la iska gartay in si wadajir ah looga howlgalo.
#ALLOW_ABAARTA_NAGA_SAAR
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
0 Comments