Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer ku tagay xarunta Maaliyadda ee Qardho[Sawirro]
QARDHO – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Dr. Maxamed Cilmi Cabdi ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyada magaalada Qardho.
Ujeedka kormeerka uu Agaasimuhu ku tagey xarunta Wasaaradda ayaa ahaa dardargalinta shaqooyinka iyo kor-u-qaadista dakhli gobolka Kar-kaar.
Agaasimaha guud waxaa xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyey Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyada gobolka Karkaar Yaasin Cabdi Ciise, waxana uu Agaasimaha ugu warbixiyay halka ay mareyso shaqada Wasaaradda ee Gobolka Karkaar.
Dr Maxmed Cabdi Cilmi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada ayaa dhankiisa ku bogaadiyay shaqalaaha wasaarada ee Gobolka Karkaar dadaalka shaqo ee ay wadaan, waxa uuna sheegay in ay muhiim tahay in la muujiyo dadaal dheeri ah ku bixiyaan dakhli soo saar ka.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
0 Comments